Muqdisho: Ciidamada Xasilinta oo Howlgalo Amniga lagu xajinayo ka sameeyay qaar kamid ah Degmooyinka G/Banaadir

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay howlgalo saacado qaatay ka sameeyeen degmooyinka wadajir iyo Kaxda, waxayna howlgalka ku baarayeen xaafadaha iyo goobaha ganacsiga qaarkood.

Taliyaha qeybta booliiska G/Banaadir Axmed Xasan Maalin  ayaa sheegay in howlgalkaan uu kamid ahaa howlgalada lagu sugayo amniga caasimadda, waxana uu sheegay in ay socdaan baaritanada dadka lagu soo qab qabtay howlgalka, qaarkoodna  waxaa la sheegayaa in lasii daayey.

Ciidamada dowladda ayaa howlgalkaan ku baarayay  gawaarida shacabka iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ee maraya  xaafadaha Howlgalka uu ka socday.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay la wareegtay talada dalka gaar ahaan Bishii May kaga dhawaaqday Muqdisho howlgalka xasilinta Caasimadda oo lagu wareejiyay Ciidamo gaar ah.

Waxaa sidoo kale la xadiday Ilaalada iyo hubka ay wataan Saraakiisha Dowladda,Mas’uuliyiinta iyo sharikadaha gaarka loo leeyahay iyada oo Milatariga laga saaray Caasimadda lagu wareejiyay Ciidamo gaar ah oo loo bixiyay Ciidamada Xasilinta Muqdish

Cali-yare Adam

Ceelhuur.com