Muran Xuduudeedka Hiraan Iyo Galgaduud oo Maanta Laga Arinsanayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddiga xuduudaha iyo federaalka ayaa maanta maamulka Gobalka hiiraan kala hadli doono xuduuda ay la leeyihiin Gobalka galgaduud

Guddoomiye ku xigeenka gobolkaasi Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in maanta  guddiga ay kala xaajoon doonaan arrimaha xuduudaha, ayna jireen wadatashiyo badan oo dhanka shacabka ah.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in shalay ay wada qaateen kulan ballaaran maamulkooda, guddiga xuduudaha iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada, kulanka maantana uu noqon doono mid iyaga iyo guddigan oo kaliya u dhaxeeya.

Sidoo kale Xuseen Cismaan waxa uu tilmaamay inay jiraan xuduuddo gobolka Hiiraan uu la wadaago Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud balse uu khilaafyo ka jiro.

 

Xigasho:Goobjoog