8-Maarso oo maanta laga xusayo Soomaaliya

Wararka Maanta

Munaasabado lagu xausayo maalinta Haweenka Aduunka ee 8-Maarso ayaa maanta lagu wadaa iney ka dhacaan meelo badan oo ka mid ah Gobolada dalka oo ay ka mid tahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Munaasabadaha ayaa ah mid lagu weyneynayo maalintan 8-Maarso oo ah maalin ku weyn Haweenka Aduunka gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah Bulshada qeyb weyna ka qaata Horumarka.

8-da Bisha Maarso ee sanad walba Haweenka ku nool aduunyadu waxay soo bandhigaan guullaha ay gaareen iyo caqabadaha la oran karo way hor taagan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolkka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo Ergayga garaka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay munaasabada 8-Maarso,waxayna muujiyeen dowrka aan la dafiri Karin ee Bulshada ay kaga jiraan.

“Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Md. Keating,’ Ayuu yiri Micheal Keating.

Sidoo kale,Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa hambalyo ku aadan 8-Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed,iyadoona sheegtay in caawaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo Xuska Maalinta Haweenka Aduunka lagu qabanayo xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

8-Maarso waa maalin loo qoondeeyay in loogu qiimeyo haween weynaha adduunka ku nool iyadoona maanta oo kale wadamada caalamka lagu qabto dabaal dagyo waaweyn,waxayna Soomaaliya ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga xusayo.