Daawo: Shirweynaha Beesha Habargidir oo maanta ka furmaya #Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalo Xeebeedka Hobyo ayaa waxaa goordhow ka furmaya shirweynaha Beesha Habargidir, waxaana halkaas maanta iyo shalay gaaray Masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha Bulshada oo ka kala yimid gudaha dalka iyo Dibadda.

Masuuliyiinta halkaas gaaray waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, Xildhibaan Axmed Fiqi, Jeneraal Galaal, Jeneraal Indhacadde iyo masuuliyiin farabadan.

Gogashan oo muddo lagu howlanaa sidii ay ku qabsoomi laheyd, ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii beesha Habargidir uga tashan laheyd aayaheeda.

halkaan ka daawo Warbixin kooban oo ku saabsan Shirweynaha Hobyo.