52 Qof Oo Ku Dhintay Dibad Baxyo Ka Socda Itoobiya.

Wararka Dibadda Wararka Maanta

52 Qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyada ka socda wadanka itoobiya gaar ahaan gobolka Orommada intii lagu guda jiray xaflad diimeed la soo bandhigay waa sida ay sheegeyso dowladda itoobiya.

 Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dibadbaxyada dhigaya  ay dhinteen qaar ka mid oo ay is buurteen ciidamada Booliiska kadib marka ay ku fureen dibadbaxyaasha gaaska indhaha ka ilmisiiya xabadaha cinjirka iyo ulal budad ah si ay u kala eryaan dadka dibadbaxyada dhigaya.

 Hailemariam Desalegn, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, ayaa sheegay in dibadbaxyaashu ay  horay u qorsheen in ay dibadbaxyo ay dhigaan ra’iisulasaaraha ayaa iska fogeeyey in ciidamada ammaanka ay dibadbaxyaasha ay u adeegsadeen xabado isagoo sidoo kale carab baabay in ciidamada ay dadaal weyn ku bixiyeen iney sugaan goobta ay iskugu yimaaadeen dadweynaha dhiganaayey xaflad diimeedka.

 Kumanaan ruux ayaa iskugu  soo baxay xaflad diimeed sanadeed taasoo lagu qabtay meel u jirta  40km magaalo madaxda wadanka itoobiya ee adis abab.

 Wadanka itoobiya yaa waxa uu goob joog u noqday dibadbaxyo iska daba jooga oo dhiig u taatay bilihii u danbeeyey  qoomiyadda oromada oo ka mid ah qoomiyadaha ku nool wadanka itoobiya yaa aydo waxay ka cabaneysaa arrimo la xariira siyaaadda iyo dhaqaalaha.

 Qaramada midoobay ayaa waxey ka dhawaajisay iney ka xuntay in lacaburiyo dadka dhigayo dibaxyo nabadeed iydoo ku tilmaantay  awood Xoog xad-dhaaf ah oo ka dhan ah dadka dibadbaxyada dhigaya.

Comments are closed.