Ugaaska Beesha Ceyr oo Magaalada Cadaado kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo ah Ugaaska Beesha Ceyr oo Shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug ayaa Xalay waxaa uu Kulamo la qaatay Guddiga Doorashooyinka Dowladda Galmudug.

 Kulanka Ugaas Xasan Ugaas Maxamed iyo Guddiga Doorshooyinka Heerka Dowlad Goboleed ayaa ka wada hadlay qaabka ay u socdaan Talaabooyinka lagu soo dooranayo Labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Ugaaska ayaa u soo jeediyay Guddiga in ay ka dheeraadaan Musuq Maasuq iyo Eex islamarkaana ay u hiiliyaan Caddaaladda.

 Sidoo kale Maanta ayaa la filayaa in Ugaas Xasan Ugaas Maxamed uu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Galmudug islamarkaana ay ka wada hadlaan Arrimaha Doorashooyinka.

Comments are closed.