2 Nin oo lagu dilay deegaanka Qeydaro gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Koox hubeysan ayaa galabta gaari Qaad siday ku rasaaseeyey deegaanka Qeydaro gobolka Mudug, waxaana shaqaaqadaas ku geeriyooday darwalkii gaari iyo ninkale oo la socday gaari.

Sidoo kale weerarkan waxaa ku dhaawacmay qof kale, gaari la xabadeeyey ayaa ka tagay degmada Cadaado, waxa uuna ku sii jeeday degmada Hobyo.

Dableyda dilka geysatay ayaa horey u qaatay gaarigii iyo qaadkii saarnaa, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Bacaadweyne gobolka Mudug.

Arintaan ayaa xiisad ka abuurtay deegaanka, waxaana meydadka loo soo qaaday magaalada Baxdo gobolka Galgaduud.

Deegaanka Qeydaro ayaa Cadaado u jirta 115 km dhanka Beri.