Shirweynaha Nabadda ee Beelaha Habargidir ayaa la filayaa inuu maanta oo Isniin ah 4/8/2019 ka furmo degmada Hobyo gobolka Mudug. Inta badan ergadii ka qeyb gali laheyd shirka ayaa ku sugan Hobyo, waxaana si wanaagsan u martigaliyey bulshada reer Hobyo.
Hadaba halkaan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa 10 Xaqiiqo oo ku Saabsan Shirka Nabadda Hobyo:
- Shirweynahan waa mid dhaqan oo ka madax banaan Siyaasad, waxaana shirkan beelaha Habargidir uga arinsanayaan masiirkooda.
- Abaabulka Shirkan ayaa kasoo bilowday Magaalada Muqdisho, waxaana kaalin fiican ku lahaa qurbojoogta.
- Waxaa shirkan si rasmi ah uga qeybgalaya 250 Ergo oo kala yimid shanta beelood. Waxaana ku wehlinaya guddiyada fududeynaya shirka iyo korjoogto kale.
- Ka qeybgalayaasha shirkan ayaa ka kala yimid degmooyinka Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Cadaado, Ceelbuur, Xarardheere iyo Hobyo. Sidoo kale wafdi culus ayaa ka yimid Muqdisho iyo dibadda dalka.
- Shirweynahan waxaa uu ka dhacayaa hool weyn oo laga diyaariyey Dugsiga Hoose/Dhexe degmada Hobyo.
- Xogaha Taariikhda ayaa tilmaamaya in Shirweynihii kan ka horeeyey ee beelaha Habargidir uu ka dhacay deegaanka Ceelhuur gobolka Mudug 1927kii.
- Inta shirweynuhu socda waxaa kulamo gaar ah yeelanaya beelaha dhexdooda.
- Shirkan waxaa maalgaliyey beesha Habargidir, si looga madaxbaneeyo faragelin siyaasadeed.
- Ammaanka shirkan waxaa sugaya ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari, waxaana la adkeeyey ammaanka guud degmada Hobyo.
- Shirkan gabangabadiisa ayaa laga filayaa inuu kasoo baxo hoggaan iyo xeer ay ku mideysan yihiin beelaha Habargidir.