Xukuumadda Soomaaliya oo Gurmad Dhaqaale ka dalbatay Qadar

Wararka Maanta

Sida ku cad warqad codsi ah oo wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow u diray Ra’iisulwasaaraha Dalka Qadar ayuu kaga codsaday gurmad dhaqaale oo deg deg ah.

Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay warqaddan oo ku taariikheysan 20 Maarso 2019, waxaana Wasiir Islow ku sheegay warqadda in Dowladda Federaalka ay awoodi weysay bixinta mushaaraadka ciidamada muddo 6 bilood ah, kadib markii dowladdo badan ay joojiyeen dhaqaalihii ay siin jireen Dowladda Soomaaliya kadib kala aragti duwanaansho siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidanka Xoogga Dalka ay kasoo baxeen furimihii dagaalka gobolada, isagoo intaas ku daray in haddii aysan helin kaalmo dhaqaale oo deg deg ah Todobaadyada soo socda ay khatar galeyso jiritaanka Dowladda Soomaaliya.

Mr. Islow ayaa Dowladda Qadar ku beerlaxowsaday in ay loo dhibaateynayo taageeradii ay u muujiyeen Qadar, xilli ay go’doomiyeen dowladihii deriska la ahaa.