Xogta iyo Sawirka Ninkii isku Qarxiyey Kismaayo

Wararka Maanta

Shalay ayaa nin dhalinyaro ah isku qarxiyey magaalada Kismaayo, Ninkaas ayaa qarxiyey suun qarax oo dhexda ugu xirnaa, kadib ay joojiyeen ciidamada amniga.

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa soo bandhigay macluumaadka ninkaan, magaciisa ayey ku sheegeen Cabdiraxmaan Cabdulaahi Jilac ( Baashaal ) waxa uu ku dhashay Magaalada Kismaayo 1990, Hooyadii waxaa lagu magacaabaa Xaawo Qaasim Dacar.

FB_IMG_1489480108702

Cabdiraxmaan Baashaal wuxuu kamid ahaa Xubnaha Alshabaab u joogay Kismaayo .Waxaa si dhaw meesha uu lugta saaro la socday ciidanka aan muuqan ee NISA qeybta Jubbaland.

Waxaa dabo gal dheer kuhayay dhaq dhaqaaqiisa Hay’adda Sirdoonka & Nabad sugida Qaranka – qeybta Jubbaland dhawr mar ayuu baashaal xabsi galay.

Ugu dambeyn Shalay ayay Sirdoonku toogasho ku dhaawaceen isaga oo sitay Qarax kadibna halkaas ayuu baashaal naftiisa ku haligay.