Xil ka qaadis lagu sameeyay taliyaha booliska degmada wadajir

Wararka Maanta

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu xilkii ka qaadey Taliyihii Saldhigga Ciidanka Booliska degmada Wadajir Cabdi-baasid Maxamuud Cagey.

General Xijaar ayaa u magacaabay taliyaha cusub ee Saldhigga Booliska degmada Wadajir Saciid Cali Maxamuud oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Illaa hadda la ma oga sababta keentay in xilka laga qaado taliyaha saldhigga ciidamada Booliska degmada Wadajir hase yeeshee waxaa la sheegay in ammaan darro ka soo cusboonaatay degmada awgeed xilka looga qaaday taliyaha.

Hase yeeshee waxaa hore dhowr jeer madaafiic hoobiyaal ah lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho iyadoo halka laga tuuray hoobiyahana ka tirsan tahay degmada Wadajir.