Xarigga Internetka (Fiber Optic) oo soo gaaray Galmudug (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa deegaanada Galmudug soo gaaray xarrigga internetka ee Fiber Optic Cable, Waxa uuna hadda marayaa deegaanka Dagaari ee gobolka Mudug. Xariggan ayaa la filayaa in la gaarsiiyo magaalada Muqdisho.

Xariggan ayaa laga soo jiiday xeebta Magaalada Boosaaso, waxaana maalgaliyey shirkada isgaarsiinta Hormuud, ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Hormuud xariggan ay ku maalgalisay lacag kor u dhaafaysa 200 Milyan Dollarka Maraykanka.

Waa Markii ugu horeysay ee xarigga internet xawaarihiisu dheereeyo la soo gaarsiiyo deegaanada Galmudug. sidoo kale waxaa la filayaa sidoo kale xarigga kale laga soo jiido xeebta magaalada Hobyo, mashruucaan ayaa yimid kadib markii bartamihii sanadkii tagay 2017 uu internetku ka go’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, taas oo loo aaneynayo in hal xarig kaliya la keenay Muqdisho, kaas oo ay maamusho shirkadda Dalcom.

Dhacdaas kadib wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta dowladda federaalka ayaa sheegtay in hal xarigga ku filneyn Soomaaliya, loona baahan yahay in ganacsatadu maalgashtaan xarko kale oo internetka Fiber Optic-ka.

Xarigga ayaa markii howl bilaabo waxaa la filayaa in qiimaha internetku hoos u dhaco, sidoo kale la helo internet xaaware sare leh. Soomaaliya ayaa waxaa ka jira tartan ganacsi, waxayna dhanka isgaarsiinta uga horeysaa dalka dariska la ah.