Xaaladda colaadda Dalka Itoobiya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dawlad deegaanka Oromiya ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda dawlad deegaankaas inay si hagar la’aan ah u hoggaamiyaan halganka oo ay u huraan “wax kasta oo lagama maarmaan u ah guusha”.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen dhallinyarada iyo sida oo kale dhammaan shacabka deegaanku inay feejignaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada.

 

Wasiirka isgaarsiinta dowladda ayaa isna sheegay in koox fallaago ah ay ku dileen in ka badan 100 dhallinyaro ah Kombolcha, sida uu u sheegay telefishinka dowladda.

“Kooxda TPLF waxay gudaha u gashay magaalada Komboolcha waxayna caawa ku xasuuqday in ka badan 100 dhalinyaro ah” ayuu yiri Legesse Tulu oo ah wasiirka isgaarsiinta dowlada.

Wasiirka ayaa sid oo kale soo tebiyey in bililiqo iyo burburin lagu hayo hantida gaarka ah iyo hantida guud ee magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha, halkaas oo ay kooxda TPLF “soo gashay”.

Sida lagu sheegay warbixin uu ABC ka soo xigatay kooxda TPLF ayaa gudaha u gashay magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalyahanno shisheeye ay ka qeyb qaateen weerarrada ay xooggaga Tigray maalmihii la soo dhaafay ku qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada.

Khudbad uu u jeediyay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa isla markaana laga sii daayay telefishinka, ayaa Abiy oo u muuqday inuu ka hadlayay qabsashada xooggaga Tigray ee magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha waxa uu yareystay guulaha ay gaareen xoogaggaas.

“Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy oo aan faahfaahin dheeraad ah iyo caddeyn toona soo bandhigin.

TPLF ayaa ku adkaysanaysa gacan ku haynta magaalooyinka Dessie iyo Komboolcha.

Maamulka magaalada iyo dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in magaalada lagu garaacay madaafiic xooggan oo dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa wakaaladaha kala duwan u sheegay in rasaas laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Dessie Sabtidii lasoo dhaafay kadib dagaal socday muddo todobaad ah oo lagu difaacayay magaalada.

Dagaalyahanada Tigray ayaa baadhitaan guri-guri ah ka sameeyay magaalada Dessie halkaas oo ay ka raadinayeen hub kadib markii ay qabsadeen magaalada Dessie, sida dadka deegaanka ay BBC u sheegeen.

Korontada ayaa lagu soo warramayaa in maqribnimadii jimcaha laga jaray qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Dessie, waxaana aan shaqaynayn khadka taleefanka ee magaalda Dessie.

Dagaalada ayaa ilaa horraanti bishii October ka socday deegaanka South Wollo oo ka baxsan magaalada Dessie, waxaana dagaalku uu sii xoogeystay todobaadyadii la soo dhaafay.

Magaalada buuraleyda ah ee Dessie oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Axmaarada ayaa waxaa ku barakacay dad aad u tiro badan intii uu dagaalku socday.

Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalamka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya.

Xigasho: BBC