Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Jigjiga iyo Milatariga itoobiya oo la wareegay.. (Sawirro)

Wararka Maanta

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Magaalada Jigjiga xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, Ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka kana tirsan milatariga itoobiya ayaa lagu arkayaa goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Ciidamada ayaa la wareegay xarumaha Barlamaanka, ESTV, Airport iyo Madaxtooyada, waxaana wararka qaar sheegayaan in Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar uu xabsi guri yahay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa magaalada jigjiga waxaa ka jiray kacdoon lagu doonayey isbadel lagu sameeyo maamulka Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana intaas kadib xumaaday xiriirkii Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Cabdi Maxamuud.

Wararka qaar ayaa xusaya in arintani ka danbeysay kadib Markii Madaxda Dowladda Ethiopia ka war Heleen kulan uu yeelanayo Barlamaanka Ismaamulka Somalida, kaas oo wax looga badalayo qodob Dastuuri ah iyo sidoo kale dareen laga muujiyay in Madaxweynaha Ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar uu ku dhawaaqi rabo Madaxbanaani Maamulkaasi uu ka qaadanayo Ethiopia kadib khilaaf ku saleysan kheyraadka Degaanka oo soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Ethiopia iyo kuwa Ismaamulka.