Waxbadan ayay ibartay Dawladnimada.
Qaybtii koowaad.
Walaalayaal marka hore aan idinkaga mahadceliyo sida aad iila qaadateen soo jeedintaydii Shalay ee ahayd in aan idinla wadaago Xogta iyo xaqiiqada aan ka bartay inta yar ee aan ku dhexjiray Dawladnimada.
Inkasta oo ay jireen Dad ku taliyay in aanan soo bandhigin, hadana waxaan qaadanayaa halka aad ubadateen sida aad ka arkikartaan Falcelinta (comments) idinka timid oo intiina badan aad ku aqbasheen aragtidaan.
Hadaba waxaan idinla wadaagayaa Qormada Koowaad, waxaanan idinkula wadaagayaa sidii aan anigu uga aan kusoo galay Dawladda, iyo waxyaabihii sababta u ahaa.
Waxaan ka mid ahaa Saxafiyiintii ka shaqaynayay Warbaahinta Gaarka ah laga soo bilaabo 2004-tii, markii ay sida xawliga ah usoo kordheen Tacadiyada ka dhanka ah Saxafiyiinta Sanadkii 2007-dii, waxaan ka mid noqday kuwii ay saamaynta ku yeelatay dhibaatadaas.
1o-11-2007, ayaa aniga iyo Saxafi kale oo aan kawada tirsanayn Radio Shabelle nalagu amray in aan ka baxno Muqdisho, maalintii xigtay ayaana si qasab ah uga baxnay Muqdisho, waxaan tagnay Hargaysa oo aan kula kulanay Saxafiyiin naga soo horeeyay oo iyaguna Qax ku tagay halkaas, maalmo ka dibna waxaa nagu soo biiray Saxafiyiin kale oo kasoo cararay isla Muqdisho, tira ahaanna waxaan ahayn 24 Saxafi.
Markii aan muddo ka yar Bil ku sugnayn Hargaysa ayaa hadana nalagu amray in aan ka baxno, Maalmo Jahawareer ah ka dib, waxaan Mgangalyo ka helnay Jabuuti, halkaas oo Muddo Sideed Bil ah oo aan ku ahayn Qaxooti ka dib, aan anigu Go’aansaday in aan dib ugu soo noqdo Muqdisho 2008-dii.
Isla Radio Shabelle ayaan dib uga Shaqo bilaabay, anigoo markaa aaminsanaa in dhibaatadii Saxafiyiinta lagu hayay yaraatay isla markaana jeclaa in aan Dadkayga lawadaago marxaladda ay ku noolyihiin.
Nasiib-darro, 2009-kii ayay labo kaclaysay Dhibaatadii nahaysatay, ka dib Markii lagu Dilay Marxuum Siciid Tahliil goob ay markhaati ka ahaayeen Kuwii ugu muhiimsanaa Saxafiyiinta Muqdisho.
Qaar ka mid ah Saxafiyiinta aan Xirfad wadaagga ahayn ayaa Maalintii xigtay Dilka Siciid Tahliil Go’aansaday in ay shaqada ka tagaan, balse aniga Wariyayaal kale oo ka cabsi qabnay in ay inaga guulaystaan Cadawgeenna ayaa ku qancinay Saaxiibadeen in aan hal meel kuwada Dhimano ama kuwada noolaano kana codsanay in ay shaqada kusoo laabtaan waayna naga aqbaleen.
Hase ahaatee, Bilo ka dib ayaa markale Cadawgeenu Dileen Marxuum Mukhtaar Maxed Hiraabe, Dilka Hiraabe ayaa nagu qasbay in iyadoo aan la iska waraysan ay Saxafiyiin badan oo aan ka mid ahaa midkastaa halkii uu joogay kasoo cararo.
Waxaan soo wada hoosgalnay qaybtii yarayd ee xilligaas Muqdisho ay ka maamulaysay Dawladda, midkasta oo inaga mid ahaana wuxuu ku hoos dhuuntay Qofkii ay xiriir lahaayeen ee ugu dhawaa kana tirsanaa Dawladda.
Maalmo yar oo Murugo iyo Naxdin lagu kala maqnaa, waxaan kulankeenii ugu horeeyay ku yeelanay Hotel Saxafi, halkaas oo aan uga doodnay waxa nala gudboon ee aan yeelikarno.
Dood dheer ka dib, waxaan Go’aansanay in aan si wada jir ah u joojino si ku meel gaar ah shaqadii aan ka ahaynay Warbaahinta gaarka ah, maadaama aynaan awoodin in aan sheegno xaqiiqada isla markaana aan Shacabkii Soomaaliyeed ee ku nagu tixnaa aan ku wargalino in aynaan sii wadikarin Shaqada, sidaas ayaanna ugu sheegnay Bulshada Maalintii Xigtay Kulankaas.
Halkaas waxaa ku xirmay Waayahaygii ka shaqaynta Warbaahinta gaarka ah, waxaa xigay Maalmo iyo Bilo adag, oo aan idinkula wadaagidoono Qormada Labaad, Waxaa inoo xigidoona Shaqo joojintii ka dib iyo wixii xigay.
Mahadsanidiin.
W/Qorey: C/raxmaan Yuusuf Cadaala