Warbixin:Dano iyo Daruufo isku keenay 5ta Hugaamiye

Wararka Maanta

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamul Goboleedka Jubbaland uu ka furmo Shir ay yeeshaan Hugaamiyaasha 5ta Dowlad Goboleed ee Soomaaliya oo kala ah Jubbaland.Koofur-Galbeed.Galmudug.Puntland.iyo Hir-Shabeelle waa markii ugu horaysan oo hugaamiyaashaani iskugu yimaadaan Shir aysan qayb ka ahayn Madaxda sare ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya tan iyo aas aaskoodii oo Taariikhda aya qori doonta Shirkii ugu horeeyay ee Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada oo kaliya ee Kismaayo waxaa isha lagu hayn doona go’aanada ay gaaran.

Su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay maaxa isku keenay oo soo dadajiyay Shirkooda Kismaayo?

1- Xiisada wadamada Khliijka oo Saamayn ku yeelatay Siyaasada guud ee Dalka Xisad kalana ka dhex dhalisay Dowladda Faderaalka Dowladaha Xubnaha ka ah.

Inta badan Madaxda Maamuladu waa iskaga Mowqif arinta Khaliijka.Hugaamiyaasha Maamulada Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf).Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).iyo Koofur-Galbeed Shariif Xassan Adan ayaa la saftay Sacuudiga iyo Imaaraadka waxayna si cad uga soo hor jeesteen Mowqifkii Dhex dhexaadnimo ee Dowladda dhexe qaadatay sadexdaan hugaamiye iyo Xiriir Dowladdu maha mid wanaagsan waxayna Kismaayo ka abuuri karaan isbahaysi xoogan,

Hugaamiyaasha Jubbaland Axmed Maxamed (Madoobe) oo dhigay gogosha Kismaayo iyo Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi(Waare) ma cadda Mowqifkooda ku aadan Xasradaha Khaliijka waxaana xusid mudan in Madaxwaynaha Hirshabeelle oo lagu xanto ninka kaliya ee ka ag dhow Madaxda sare ee Dowladda FS sheegay inay Siyaasada arimaha Dibadda uga danbaynayaan Dowladda dhexe halka an la ogayn aragtida rasmiga ah ee Axmed Madoobe loo arko nin dhex dhexaad ka ah Khilaafka taagan.
Khilaafka Siyaasadeed Dowladda iyo Maamul Goboleedyadu waxuu sababay in xilka qaadis lagu sameeyo Cali Cosoblihii Hir-Shabeelle oo Waare badalay iyo Xaaf oo Xildhibaanada Maamulkiisu Xilka ka qaadeen halka Shariif Xassan uu socda Moooshin ka dha ah. arimahan waxaa lagu ee daynayaa in Dowladda dhexe gadaal ka riixayso oo ay doonayso Madax ay keensato oo ka danbaysa Madaxda Kismaayo ku Shiraysa waxay u midoobi doonaan sida ay iskaga ilaalim haayeen raafka lala damacsan yahay.

2-Lacagtii Bilaha ahayd oo ay Dowladda ka heli jireen oo laga joojiyay

Arintaan Hugaamiyaasha Maamulada si isku mid ah ayay u taabanaysaa oo labo bil lama gaarsiin $150 kun ee qoondo ahaan loo siin jiray xitaa Waare oo aragti ahaan ka ag dhow Madaxda Dowladda inti uusan Xilka qaban ayaa laga hakiyay Maamulkiisa Hir-Shabeelle Madaxda Shirka Magaalada Kismaayo waxaa deeganadooda ka jira baahiyo badan oo aysan dabooli karin Daqliga usoo xarooda Galmudug. Koofur-Galbeed iyo Hir-Shabeelle oo an lahay Dakado waxay si wayn ugu tiir sanaayeen boqol iyo kontanka kun ee Bil walba uga imaan jirtay Dowladda halka Puntland iyo Jubbalnd dhankooda ay dareemeen maqnaasha lacagtii Dowladda ka imaan jirtay

3- Hanaanka dib u eegista Dastuurka

Madaxwayne Farmaajo ayaa raadinaya xal u helida barbaryaaca Maamulada oo u dhaqmaya sidii Dowlad Madaxbanaan ayagoo gala heshiisyo u gooni ah qaatana go’aano aysan Dowladdu qaarkood raali ka ahayn Dastuurka hada oo KMG ah ayaa dhigaya in Dowladda Dhexe looga danbeeyo Siyaasada Arimaha Dibadda,Daqliga,iyo Difaaca Dalka waxaana Madaxwaynayaasha Maamuladu qaateen go’aano arimahaas la xariira sida go.aanka muranka dhaaliyay e Xiisada Khaliijka Hugaamiyaasha ayaa ku an doocada mararka qaar in Dastuurka hada uu KMG yahay oo uusan jirin Dastuur si wada jir loogu heshiiyay Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in mar kaliya la helo Dastuur rasmi ah oo meel kasaara boodboodka Madaxda Maamulada kaas oo Cid kastana cadeeya waxa ay xaqa u leedahay halka Madaxda Maamuula Goboleedyadu ay doonayaan in ugu yaraan Dastuurku sidaan sii ahaado ama ay helaan Dastuur ay ka dhex arkaan Danahooda

Gaban gabadii Shirka Kismaayo waa mid Xasaasi ah oo wax kasta laga filan karo waxaana sido kale ku lug leh Dowalado Shisheeye oo laga Xusay Sacuudiga iyo Xulufadiisa oo ka faa.iidaysanaya isku imaantinka 5ta Hugaamiye

W/Q Ali Abdiwahab Aden

Ceelhuuronline