Wararkii ugu dambeeyey safarka RW Kheyre ku yimid Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Markii ugu horeysay isagoo Ra’iisulwasaare ah ku hoyday Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug.

Kheyre ayaa shalay galab soo gaaray Cadaado, waxaana  Madaxda Galmudug iyo masuuliyiin Dowladda Dhexe kusoo dhaweeyeen Duleedka Godinlabe, isagoo safar dhulka ah uga yimid Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug.

RW Xasan Kheyre ayaa soo dhaweyn balaaran kala kulmay shacabka Cadaado, Waxaa uu halkaas ka jeediyey khudbo uu kaga hadlay ujeedada Safarkiisa. halkaan ka daawo Soo Dhaweyntii Kheyre ee Cadaado.

Dhanka kale Kheyre oo la filayey inuu xalay kulamo muhiim ah la yeesho Axmed Ducaale Xaaf iyo Odayaasha Beesha Cadaado, ayaa waxaa dib u dhacay kulmadaas, waxaana la qorsheeyey in kulamadaas maanta dhacaan. waana kulamada ugu muhiimsan booqashadiisa Cadaado.

Kheyre ayaa xalay casho sharaf looga sameeyey Miqaayadda Green House Magaalada Cadaado, waxaana cashadaas kadib uu kulan la qaaday Odayaasha beesha Gaalkacyo oo ay wehliyaan Senator Cabdi qeybdiid iyo siyaasiyiin kale.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayaa kulan la qaatay Gudoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, Xildhibaan Saabir, Xildhibaan Abtidoon yare, Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow iyo Wasiir Axmed Qoorqoor, wuxuuna ahaa kulan salaan iyo soo dhaweyn ah.

Kheyre oo muddo Saddex Maalmood ah ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa halkaas kula kulmay Madaxda Ahlu Sunna, waxaa wali si rasmi ah u soo bixin qodobada labada dhinac ku heshiiyeen, ilo xog-ogaal ayaa inoo xaqiijiyey in Ahlu sunna ay wali ka biyo diidan tahay in wareejiyaan Dhuusamareeb.

Safarka Kheyre ayaa ah inuu dhageysto dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka, waxaana la filayaa in dowladda Dhexe go’aankeeda ay soo bandhigi doonto marka RW kheyre Xamar ku laabto.