Wales Oo Ka Walwalaysa Xaalada Gareth Bale

Ciyaaraha

Gareth Bale ayaa wajahaya cabsi la xiriira waqtigii loogu talagalay inuu taam u noqdo kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee Wales, ka dib markii laga saaray kooxda Real Madrid ee La Liga la ciyaareen Espanyol.

28 jirkaan ayaa ka maqnaa kooxda Los Blancos  18ka ciyaaryahan ee caawa ku ciyaara Bernabeu, halkaasoo kooxda difaacaneysa ay raadineyso guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha Madrid Zinedine Zidane ayaa shaaciyay horaantii Isbuucan in Bale oo muujiyay ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa bishii lasoo dhaafay, waxa uu haatan la dhibtoonayaa dhaawac muruqa ah oo soo gaaray kulankii Borussia Dortmund bartamihii Isbuuca.

“Weli ma jirto arin u dhaxeysa Madrid iyo kooxda reer Wales, xaaladiisa caafimaad waa ay go’aan ku gaari doontaa haddii uu ku biiro xulka qaranka ama hadii kale” ayuu yiri Zidane.

Wales waxay u badan tahay labo guul oo labo kulan ah hadii ay doonayaan inaysan seegin ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka, iyagoo safar ku aadaya Georgia iyo kulanka ay la ciyaarayaan Republic of Ireland.

W/Q Hafsa haji