Valencia ayaa lagu soo waramayaa inay 12 milyan oo ginni ku dalbatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Francis Coquelin.
Gunners ayaa cadeysay inay doonayaan inay iska fasaxaan xiddiga reer France markii tababare Arsene Wenger uu ka soo reebay ciyaartoydii ka badisay Nottingham Forest kulankii FA Cup ee axadii.
Coquelin ayaa hoos u dhac ku yimid waqtigiisa Emirates, kaasoo xilli ciyaareedkan waqti xaddidan ciyaray isagoo todobo kulan oo Premier League ah saftay, kaliya mid ka mid ah ayuu ku soo bilawaday.
Sida laga soo xigtay The Mirror, Valencia ayaa sameysay dalabkii ugu horeeyay ee 12 milyan oo ginni ah oo ay ku hesho adeega qadka dhexe, laakiin West Ham United iyo Crystal Palace ayaa sidoo kale xiiseyneysa.
Coquelin ayaa soo maray kooxda waqooyiga London ka dhisan ee da’yarta waxaana uu qeyb ka ahaa kooxda tan iyo 2008dii.