Sida ay qortay wakaalada wararka dalkeena Soomaaliya ee SONNA ayaa qortay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Adem Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga wadanka Imaaraadka Carabta ayaa kula kulmay Magaalada Abu Dhabi Saraakiil sare oo ka tirsan dalkaasi.
Taliyaha iyo saraakiishaasi waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada Dal, gar ahaan taageeradooda ku aadan dhismaha Ciidamadda Soomaaliya, iyadoo Dawladda Imaaraatka Carabtu ay kaalin mug leh ka qaadato dhismaha Ciidamada qalabka sida.
Comments are closed.