Soomaaliya Xiligaan ma haysataa Ciidan Badali Karo Ciidanka Amisom?

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Ka bixista AMISOM ee Soomaaliya, iyada oo aysan jirin Ciidan Qaran oo kala wareegaya shaqada, waxay tusaale u noqotay bilowga cabsi laga qabo sida uu u ekaanayo amaanka dalka, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Dad badan waxay qabaan in AMISOM oo hadda bilowda bixis ay u fasirmeyso in Al-Shabaab ay la wareegaan qeyba badan oo dalka ka mid ah.

Soomaalidoo dhami waxay aad u jecel yihiin inuu dalku lahaado Ciidan Qaran, kuwaas oo awood iyo aqoonba u leh la wareegidda ama qabsashada hawsha ay AMISOM u joogto Soomaaliya, laakiin taas hadda ma jirto, mana muuqato sasaanteeda. Hogaanka dowladdu ma diidana in aysan taag u hayn Soomaaliya xajinta amaanka gudaha iyo xuduudaha dalka.

Walaacaan waxaa qaba xitaa xubno badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo leh mucaarad iyo muxaafad. Waxay qaarkood u sheegeen Kalfadhi iney tahay wax laga shalaayo in AMISOM oo joogtay Soomaaliya ugu yaraan 12 sano aysan dowladihii soo maray dalka u diyaarin qaranka ciidan, siyaasaddii lagu qori lahaa, laguna maamuli lahaa, haba yaraato tiradooduyee, si ay amaanka wadanka ula wareegaan, ugu dambeyn.

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) ayaa in aysan ahayn deg deg in ay AMISOM bilowdo in ay ka baxd dalka, laakiin ay tahay waxa deg degga ah inuusan dalku u diyaarsaneen la wareegidda hawsha ay AMISOM ka hayso wadanka. Waxa uu sheegay in ay layaab ku tahay in marka ay Miisaaniyadda Qaranka ansixinayaan ay meel mariyaan 40 kun oo askari mushaarkooda, haddana aysan awood u lahayn la wareegidda amniga dalka.

“Ciidamo tira leh wey noo joogaan, sida aan ku haysano diiwaanka naloo keeno ee ansixinta mushaaraadkooda, oo tirakoobka guud ee ciidanka aad ayuu u badan yahay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Jindin.“Koob iyo afartan kun ciidan gaaraya baa naloo sheegaa” ayuu hadalkiisa raaciyey. Hase ahaatee sidaas oo ay tahay, waxa uu Jindi qabaa ineysan wax ka qaban karin amaanka dalka hadda iyo dhawaan.

Sababta walaaca bixista AMISOM maaha waxaan ahayn werwer laga qabo inuu yimaado firaaq amni, waxaana arrintaas miisaan u sii yeelaya in dalalka ay ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya ay hadda ku goodinayaan in ay askartooda hal mar la baxayaan, oo aysan ogolaaneyn in ay si tartartiib ah ula baxaan ama ay dhimaan. Sidaas waxaa horay u sheegtay Dowladda Burundi, oo bilowday la bixista ciidankeeda, maalin ka horna waxaa ku hanjabtay Yugaandha.

Balse, Sanatar Axmed Cabdixafiid Maxamed ayaa si buuxda u qaba in ay u fiican tahay dalka in ay AMISOM ka baxdo, sababtana waxa uu ku micneeyey in ay ciidankeeda u ekaadeen iney yihiin ciidan qaranku leeyahay. “AMISOM waa in ay dalka ka baxaan, waayo waxay noqdeen sida Ciidankii Qaranka Soomaaliya” ayuu yiri Sanatar Axmed Cabdixafiid.

Hase ahaatee, Sanatarku wuu qabaa cabsida ah sida uu noqon karo amniga gudaha, marka ay AMISOM baxdo, iyada aysan jirin Ciidan Qaran, oo saldhigii ay baneeyaanba degaya oo la wareegaya, waxa uun si kooban u yiri “wali, lama haayo ciidankii noo bedali lahaa kuwa Amisom”. Laakiin, Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi ayaa rumeysan in haddii la adkeeyo aqoonta, xirfadda iyo tayada ciidanka hadda la haysto, oo si fiicanna loo qalabeeyo, ay Soomaaliya gaarsiin karaan waqti ay dhisato nuuca ciidanka ay dooneyso.

“Hogaanka guud baa qaldan, maxaayeelay ciidankaas (41-da kun ee askari) hadduu helo amkaaniyaadkiisii, oo uu helo dhiiragalintiisii iyo qalabkii uu u baahnaa, waxaan aaminsanahay ciidanka Soomaaliyeed waa ciidan dhisan, diyaarsan, niyad ahaan dhisan, kuna faraxsan iney dalkooda difaacaan” ayuu yiri Xildhibaan Jindi. “Weyna ku filan yihiin – nacam – maalinkaasna waa la gaarayaa in ay baxaan Ciidanka AMISOM” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xildhibaan Jindi waxa uu isku dayey inuu uu sharaxo in sababta ciidanka ay Soomaaliya haysato u sugi la’ yihiin amaanka aysan ahayn iney tiro yar yihiin ee ay tahay in ay tayo iyo niyad la’ yihiin. “Ciidan afartan kun ah oo aanan waxba ka jirin ama ay wax ka jiraan, ee aanan tababarneen oo isku dhex daadsan, oo ay waardiye qaarkood magaalada isaga dhex joogaan, oo qaarkood duurkaas sidey ugu baaba’ayaan ay kaneecada ku dileyso, wax daryeel ahna aynan haysan, oo madaxdii qaranka aaney wax war ahba ka haynin, yacnii markaas haddii ay saas tahay mala gaarin xiligii ay AMISOM ka bixi lahayd (Soomaaliya)” ayuu yiri Xildhibaan Jindi.

Source:Kalfadhi.com
W/Q: Abdi Asiz Realy

Aragtidaada ka dhiibo