Maanta Oo Khamiis Ah Taariikhduna Ku Beegan Tahay 11-10-018 Waxaa Magaalada garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal Lagu Soo Gaban-gabeeyey Shirkii Looga Hadlay Arrimaha Dastuurka Oo Maalmahan Garoowe Ka Socday.
Dood Dheer Oo Ay Yeesheen Ka Dib Guddiga Dib U Eegista Dastuurka Iyo mamuuladda xubnaha ka ah ayaa uguu baqaay dowladda federalka In Si Deg-Deg Ah Oo Ku Dhameystirto Qodobka 54-Aad Ee Dastuurka Si Loo kala Xaqiijiyo Awoodda Dawladda Dhexe Iyo Tan Maamul Goboleedyada.
Qodobada kale Ee Kasoo Baxay Gunaanadka Shirka Oo Saddex Maalin Ka Socday Garoowe ayaa Waxaa Ka Mid Ah In Xubnaha Ka Joogay Maamul Goboleedyada Ay Dib Ugla Laabtaan Shacabkooda Si Bulshadu U Aragto Waxyaabihii Kasoo Baxay Shirkan.
Xog-hayaha Joogtada Ah Ee Baarlamanka Maamulka Puntland Axmed Cali Saalax Ayaa Saxaafadda U Akhriyey War-murtiyeedka Shirka Kasoo Baxay Oo Ka Koobnaa Toddobo Qodob.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xog-hayaha Joogtada Ah Ee Baarlamanka Soomaaliya:-