Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasoo horay loogu balansanaa 7-da bishan.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in shirka loo soo hormariyay shir madaxeedka IGAD oo 10-ka bishan ka dhici doonaan magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee looga hadli doono arrimaha Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan dalka ka dhici doonaan.
Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in gelinka hore ee maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si shirka u furmo gelinka dambe, waxaa shalay gaaray Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed si uu uga qeyb galo shirka.
Waxaa lagu wadaa in Shirka uu socdo muddo labo maalmood, iyadoo suura gal tahay in waqtiga dheeraado, maadaama ajandayaasha shirka looga hadlayo ay yihiin kuwo adag.
Go’aanadii bishii la soo dhaafay laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga ayaa keenay in laga soo hor-jeedo, waxaana la filayaa in shirkan lagu saxo qodobadii.
Comments are closed.