Wadada 21-ka October ee demada Waabari ee magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka dhacay Shil Gaari oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo Noah oo marayey wadadaasi.
Khasaaraha ka dhashay shilkaas ayaa lagu sheegay in ay ku dhinteen laba ruux,islamarkaana uu dhaawac soo gaaray Qofkale.
Wadada uu Shilka ka dhacay ayaa ah wada mashquul badan, islamarkaana ay isticmaalaan gaadiidka Xamuulka oo an loo ogoleyn wadooyinka qaar ee magaalada, waxaana dhowr jeer oo hore wadadaasi ka dhacay shilal gaari oo geestay Khasaare nafeed.