Home » Arimaha Bulshada » Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY (Qeyb-ta 3aad) Date :September 8, 2017 Author :admin Views : 130

Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY (Qeyb-ta 3aad)

Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY(Qeyb-ta 3aad)

Sheekadii HEYBE  IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.

Cutubka 1-aad:- SAFARKII SILOONAA.

Qeyb-ta 3aad.

Intii muddo ah waxay ku jireen nolol yididiiladeedu kob-ceyso, waxaana laga dareemi karay niyaayir iyo niyad samaan, xaalkooda oo sidaa ah, liibaantuna dhankooda u soo talaabo qaadeyso, ayaa waxaa la soo gaarsiiyay hadal aanay maqlidiisa mahdin, murugona ku beeray, waxaa loo soo sheegay geeridii Xaaji dhengad, kaasoo mowdku haleelay markii uu la dhul dhacay cudurka sokorowga ama kaadi macaanka, oo in muddo ah-ba hayay, markanse waxaa ugu darsamay daruufaha adag ee ay la qabeen dadkii ku haray dalka oo ay caadi u noqotay dagaalo aan dhammaan iyo isku dhacyo soo noq-noqda oo u dhexeeya beelaha uu gacanta u galay hubkii qaranka ee loogo talo galay in dalka looga difaaco cadow kastee qatar geliya jiritaanka qaranimo ee dalka.

Hadalkaas dhiilada leh wuxuu gilgilay dareenkii dhalinyarada, kuwaasoo is moodsiiyay inay iska mooseen dhanka madow ee nolosha, maskax la isku geeyo waxaa laga rajeeyaa miro wax gal ah, sidaa darteed waxay si isku mid ah u qaateen go’aan ah inay maankooda ka masaxaan nabarka ku gaaray geerida darteed, hase yeeshee waxaa si magoogasho leh u saamaynayay murugada hooyo Libin, oo ay iyada gocosho madoobi qalbiga kaga milganayd, waxaana ka maadan waayay uur ku taalo, iyadoo mooro u  noqotay xusuus mahadho leh, waxayna milcsaneysay maalmihii ay isla soo mareen Xaajiga, iyo wixii ay isla soo muteen.

Cadceed baa geeska bari ka soo baxday, gelin baa sidaa ku dhammaaday, dhanka galbeed ayay garabka dhigatay, dharaar baa sidaa looga gudbay, geedigaa aan hakaneyn ayay waayuhu ku jiraan, maalmuhuna waa is gurayaan, oo is daba gur-guuranayaan, keynaan xawaareedka ay ayaamuhu ku tegayaan aadmigu waa moog yahay, balse geerida iyo gabowga ayaa ah xusuusta ugu mudan ee ay dadku ku yaqiinsadaan waqtiga is daba yuf leh sidii yaare -2- deyreed.

Bahdeenii qaxootiga ku ahayd Mombasa iyagoon tebin tirsiga xilliga ee dushooda ku taabo gelaya ayay si aan ku talo gal ahayn u iloobeen geeridii Xaaji Dhenged, waxaana sii tabaraboobayay ganacsigoodii, intii reerku ka koob-naana waxay ku soo idlaadeen mombasa, masiibadii ka oogneyd Muqdisho-na waxay noqotay mid sii baahday oo magaalooyin kale ayay u martisay, taasina waxay meesha ka saartay rajadii qoysas badan oo ay ka mid yihiin reerkani ka qabeen ku noqoshada baradoodii, dantuna waxay qasab kaga dhigtay inay isu diyaariyaan sidii ay nolosha uga beegsan lahaayeen halkan.

Barbaartii si aanay dareemi karin ayaa hamigoodu ku hilmaamay halkii ay waayo badan ku soo qaateen, waxaad-na moodeysay inay ka mid yihiin Soomaalida ku dhaqantay dhul xeebeedka Kenya, noloshii ayaa isku furfurtay, hankooduna wuxuu haabanayaa hig sare, howlaha ganacsi oo ay markii horeba ka heysteen fikrad ku filan ayay ku sii fogaadeen, dhalintii xeys barwaaqo xambaarsan ayaa u hoorey.

Xaalkoodii oo sidaa ah, nimcaduna ilowsiisay xanuunkii qaxa, ayaa waxaa ku soo kordhay inay qeyb ganacsigooda ka mid ah u wareejiyaan magaalada Nairobi, halkaas oo ay Soomaalidu ka bilaabeen ganacsi, waayo waxaa soo badanayay dadka ka soo barakacaya gudaha Soomaaliya oo ay ekeeyeen dagaalo sokeeye, sahan ay sameeyeene waxaa uga soo baxay natiijo ay u riyaaqeen, Heybe iyo Siciid ayaana loo qoondeeyay qorshaha ganacsi ee laga amaamudayo Nairobi.

Heybe oo uu wehliyo ina-abtigii Siciid ayaa u qalab qaatay ka caano maalida howl maalmeedka curdinka ee ay ka yagleelayaan Nairobi, si dhib yaraan ah ayay ku gaareen halkii ay ku wajahnaayeen, sidoo kalena fudeyd ayay ku higaadiyeen hadafkoodii, oo waxay u muuqdeen kuwo la jaan-qaaday una jajaban ka jibo gaarida danta ay halkan u joogaan.

Bulshadii ay ku soo biireen ayaa u bogtay bashaashnimadooda, baxaaligooda shaqo, booli neceybkooda, beec aqoontooda, ayaa keenay inay buro dheeraadaan dadkii kale ee uga soo horeeyay ganacsiga ay Soomaalidu ka bilaabeen xarunta dalka Kenya ee Nairobi .

Marka la eego la dhaqanka bulshadana waxay ahaayeen kuwo baruudka iyo nasiibku u saamaxeen dabeecad aan la baafin Karin wax lala bar-bar dhigo, taasoo ay ku kasbadeen dadnimada aan lagu helin doonista ee ku timaada bixinta boqorka, lama muujin karo sida sharafta lagu mataaneeyay ee  ay Siciid iyo Heybe u muteysteen qadarinta bulshadii ay waayuhu ku kulansiiyeen halkaas (Nairobi).

Waxayse ku wanaagsaneyd in aad ka mid noqoto intii ay horaantii sagaashanaadka isku barteen barbaartaas magaalo madaxda Kenya, kolkaasoo aad si kalsooni leh u heli laheyd tebinta iyo tiraabta sheekadu sida ay u muujisay dad la macaamilkoodu in uu yahay dhab, ama buunbuunin laga badbadiyay.

La soco qeyb-ta xigta.

Hal-abuurkii:-

C/naasir Dalmar Maxamed (Shamsudiin).

shamsuddiin64@yahoo.co.uk

Blog Stats

  • 412,498 hits

Leave a Reply