Xafladii ugu horeysay ee lagu taageerayey Madaxweynaha Cusub Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay jaaliyadda Galmudug ee Kenya, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala ee bulshada, waxaana lagu taageeray Madaxweynaha cusub Galmudug.
Ka qeybgalayaasha ayaa Barlamaanka Galmudug ugu hambalyeyey inay guteen waajibkii saarnaa ee ahaa doorashada Madaxweynaha, iyagoo hogaamiyaha cusub u rajeeyey inuu ku guuleysto howsha loo igmaday.