Hay’adda Hayat Foundation ayaa Barakacayaasha ku sugan Magaalada Baxdo u qaybisay Raashin iskugu jira Burr, Bariis, Sonkor iyo Saliid.
Qoysaskaan ayaa ka soo Barakacay degaano hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa deeq raashin ah oo kasoo gaartay Hay’adda Xayaat Foundation loogu qaybiyay kaam ku yaala Magaalada Baxdo, ayadoona ay kaamkaasi soogaareayeen Qaxooti horleh oo ay dhafeen Xoolihii ay dhaafeen.
Deeqdani ayaa waxaa gaarsiiyay Barakacayaasha Cabdul-qaadir Sayid Axmed oo ka tirsan Hay’ada Xayaat Foundation waxaana uu waydiinayay Barakacayaasha halka ay kasoo barakaceen iyo Waxyaabaha ku sababay in ay iskaga soo hayaamaan goobihii ay ku noolaan jireen.
Abaarta ayaa sababtay in dad badan ay dhafaan xoolaha kuwa kalana ay u dhintaan Macluusha ka dhalatay samaynta abaarta waxana Barakacayaasha u soo qul qulaya Kaamka baxdo.