Sawirro: Dhalinyarada oo deeq gaarsiiyey bukaano ku jira isbitaalka Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dhalinyarada degmada Cadaado ayaa u istaagay sidii ay u caawin lahaayeen bukaano shuban biyood soo ritay, kuwaas tiradoodu gaarayaan 130 oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay la soo gaarsiiyey isbitaalka guud Cadaado.

Bukaanada ayaa inta badan laga keenay deegaanka iidoole oo 25km bari kaga beegan degmada Cadaado, waxaana dhalinyaradu bukaanadan gaarsiiyey daawooyin iyo lacago ay iska soo aruuriyeen.

Sidoo kale shirkadda Hormuud ayaa shalay deeq dawo ah gaarsiiyey isbitaalka Cadaado oo la tacaalaya bukaano badan oo shuban soo ritay, masuuliyiinta isbitaalka ayaa codsaday in dawada ay gabaabsi ku tahay, ayna u baahan yihiin caawinaad deg deg.

cid walba oo gacan ka geysan karta arintaan waa xaalad deg deg ah, fadlan ka qeyb qaado.

?

?

?

?

?

?

?

?