Reer Guuraa lagu laayey gobolka Hiiraan

Wararka Maanta

Koox hubeysan ay xalay rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay degaanka Teedan degmada Maxaas gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 6 ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin Carruur ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira 6 qof oo  dhaawacyo soo gaareen Shacabkii Saarnaa gaariga la rasaaseeyay oo ahaa gaari dadweyne.

Dadka la weeraray ayaa la sheegay in ay ahaayeen reer guuraa naq raacayey, Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku sugan degmada Maxaas koox hubeysan ayaa dadkaasi wadada u galay ka dibna laayay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay gaareen goobta dadkaasi lagu laayay, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadkaan loo laayay Aanooyin qabiil.

Kooxdii dilka geysatay ayaanan wali gacanta lagu soo dhigin, waxaana maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.