Amb. Micheal Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay Cadaado ku gaareen Madaxda Puntland iyo Galmudug, War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu ammaanay heshiiska ay wada gaareen labada Madaxweyne, iyadoo looga codsaday inay ka shaqeeyaan ka mira dhalinta heshiiskaas.
“Beesha Caalamka waxay soo dhoweyneysaa Heshiiska Nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino” ayuu yiri Keating.
Gaas iyo Xaaf ayaa isku afgartay in la sameeyo ciidamo wadajir ah oo ka qeyb qaata amniga Gaalkacyo, isla markaana xal kama dambeys laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.
Madaxweyne Puntland ayaa ka qeyb galay caleema saarkii Madaxweyne Xaaf, taasoo aheyd markii u horeysay ee uu tago Cadaado, waxaana ka qeyb galkiisa lagu tilmaamay mid dhabaha u fureysa nabad ku wada noolaanshaha labada maamul ee deriska ah.