Philippe Coutinho Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Islamarkaana Diyaar ah Kulanka Man City

Ciyaaraha

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa soo jeediyay in Philippe Coutinho uu ku soo laaban doono line-upka kulanka sabtida ee Manchester City.

25 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayey kooxda reer Spain ee Barcelona xagaagan, lakiin Reds ayaa qirtay inuusan iib aheyn, waxaana lagu soo waramayaa inay diiday dalabyada gaaraya £ 100milyan.

Coutinho ayaan weli u ciyaarin kooxda Klopp xilli ciyaareedkan, waxaana lagu  sheegay sababta dhaawac dhabarka ah iyo xanuun, lakiin waxa uu u ciyaaray xulka qaranka Brazil.

“Waan ogahay waxa ay dadku u maleynayaan, laakiin Phil ayaa dhibaato ka qabay dhabarka usbuucyo ka hor mana uusan tababari karin sidaas darteed waxa uu ka maqnaa muddo seddex isbuuc ah” ayuu Klopp u sheegay LFCTV maanta.

Klopp ayaa qirtay inuu”wada hadal wanaagsan” la lahaa Coutinho markii uu ku soo laabtay Melwood ka dib markii uu ku guuldareystay inuu u dhaqaaqo Barcelona.

W/Q Hafsa haji