Olivier Giroud: “Si Fiican Ayaan Ula Qabsaday Chelsea”

Ciyaaraha

Olivier Giroud ayaa sheegay inuu si wanaagsan ula qabsanayo nolosha Chelsea islamarkaana uu si wacan u isku fahmayaan weeraryahanada kooxda.

Blues oo ku jirta kaalinta 5aad ee horyaalka Premier League, ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Crystal Palace Sabtidii si ay u dhinto farqiga u dhaxeeya iyaga iyo afarta kooxood ee ugu sareysa oo ah labada dhibcood iminka.

“Waxaan u maleynayaa inaan si fiican ula qabsanayo, waxaan isku dayi doonaa inaan faham fiican la yeesho 10ka ciyaaryahan sida Eden iyo Willian,” Giroud, oo Chelsea ku soo biiray bishii Janaayo, ayaa u sheegay website-ka Blues.

“Waxaan sameynay dhaqdhaqaaqyo badan, waan sameyn karnaa, waana inaan goolal badan dhalinaa , laakiin hadii aad heleyso fursada inaad gool dhaliso waxa ay ka dhigan tahay inaad abuureyso fursado fiican, hada waxaan u baahanahay waxtar badan iyo nasiib yar.”

Chelsea, oo labada kulan ee soo socota ay ka hor imaanayaan BarcelonaChampions League iyo Leicester City oo  FA Cup ah, ayaan ku lug laheyn Premier League mar kale ilaa April 1-deeda marka ay martigeliyaan Tottenham Hotspur.