Ninkii Ajnabi ee laga qabtay garoonka Aadan Cadde oo lagu dhaawacay Xabsiga Dhexe (Dhageyso)

Wararka Maanta

Mid ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe oo wareysi siiyey mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qaar ka mid ah maxaabiista xabsiga dhexe ku jira ay dhaawac u geysteen nin Ajnabi ah oo ku xirnaa xabsiga.

Ninkan la wareystay ayaa sheegay in kooxda dhaawac geystay ay ahaayeen 2 maxbuus ka tirsanaa ururka Daacish, falkan dhaawaca ayaa dhacay shalay, waxaana raggan adeegsadeen sakiimo, inkastoo ciidanku kasoo gaareen. ninka ajabiga ah ayaa loola cararay goobaha caafimaadka.

Ajnabigan dhaawac loo geystay ayaa lagu sheegay Thomas Cox, waa British dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho, isagoo watay qalab laga shakiyey.

Aragtidaada ka dhiibo