Nabadoon Xarrago Oo Maanta Boosaaso Lagu Xiray, Ogow Sababta.

Wararka Maanta

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Maamulka Puntland Ahna xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu xiray Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim xarago oo kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda gobolka Bari kadib Markii uu ka hadlay Khilaafka dawlada Federalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka jira.

Nabadoon Xarrago ayaa Maamul goboleedyada ku dhaliilay inay duminayaan Dawladnimada isla markaana ay Samayteen Xisbiyo ay ku wiiqayaan Awooda Dawlada Federalka Soomaaliya.

Nabadoon Xarrago ayaa sidoo kale wuxuu dhalilay Shirkii Maamul goboleedyada ee Magaalada Garowe ugu soo dhamaaday kasoo uu sheegay inaysan Wax dan ah ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.

Horay ayaa sidan oo kale waxaa Shirkii Maamul goboleedyada u dhaliilay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey kasoo sheegay shirkaasi inay ahayd Riyo Maalmeed sida uu hadalka u dhigay Mudane Camey.

Nabadoonkan maanta lagu xiray Boosaaso ayaa laga soo xiray Aagga Kaantaroolkii Hore ee magaalada Boosaaso iyadoo xiligan ay Puntland u dhadhicsay Xabsiga Boosaaso.