Mukhtaar Roobow oo Abaabulaya Dagaal ka dhan ah Alshabaab

Wararka Maanta

Maamul goboleedka Koofur Galbeed ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya abaabulka dagaal ee uu Mukhtaar Roobow ka wado deegaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Wasiir kuxigeenka Amniga Maamulka Koofur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay inay ka war hayaan abaabulka uu wado Mukhtaar Roobow, isagoo intaa ku daray inuu isku diyaarinayo sidii dagaal ka dhan ah Al-Shabaab loo qaadi lahaa.

“Abaabulka uu Sheekh Mukhtaar Roobow ka wado Koofur Galbeed waa ka war heynaa, wuxuu ku jiraa diyaar garow uu dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ku qaadayo, runtii Roobow waa nin aqoon u leh istiraatiijiyada dagaalka”ayuu yiri C/risaaq Cabdi Aadan.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Koofur Galbeed uu soo dhoweynayo abaabulkaas, balse ay go’aanka uga dambeeya ee dagaalka lagu qaadayo Al-Shabaab ka sugayaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mukhtaar Roobow ayaa dhowr jeer oo hore tagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koofur Galbeed iyo degmada Xudur, isagoo kulamo kula qaatay qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada.

Maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, waxaana todobaadyo ka hor jiray dagaal dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab, kaasoo la sheegay inuu ku dhintay wiil uu dhalay Mukhtaar Roobow.