MD Faraamjo oo gaaray Cadaado una sii gudbaya Hobyo.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha Cadaado, Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Madaxda Galmudug iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka. Waxaana hadda shir kula jiraa odayaasha reer Cadaado. oo tabasho ka qabay heshiiskii Ahlu sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigi doona dhowr mashruuca Magaalada Cadaado, waxaana la filayaa inuu soo afmeero tabashadii reer cadaado, iyadoo la shaacin doono heshiis ay ka gaaraan tabashadii ay qabeen. Waxaana idinla wadaagi doona faafaahinta heshiiska marka aan helno.

Madaxweynaha ayaa u sii gudbi doona Magaala xeebeedka Hobyo, halkaas oo si weyn looga sugayo, waxaana la filayaa inuu dhagax dhig dhowr mashruuc uu ku jiro dhismaha dekadda Hobyo. Ammaan magaalada Hobyo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana xiran dhammaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka. goordhow naga filo sawirada sida Madaxweynaha loogu soo dhaweeyo Hobyo.

nagala soco boggeena facebook Ceelhuur Online