Maxkamadda C.Q.S Ee Jubbaland Oo Maanta U Fariisatay Dhageysiga Kiis Dacweed Loo Heysto Askar Ka Tirsan Ciidamada Jubbaland

Wararka Maanta

Maxkamadda Darajada 1,aad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Ayaa Maanta u fariisatay Dhagaysigii 1,aad Danbiyo Lagu Soo Eedeyay 13 Askari Oo Ka Tirsana Ciidamada qalabka sida Ee Jubaland.

13 Askari labo iyo Toban Kamida Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Waxa Uu Kusoo Eedeyay Inay Ku Heshiiyeen Dambi Khatar Galin Kara Nabad Galyada Iyo Difaaca Dowlad Goboleedka Jubbaland , Cabdirizaq Cumar Cabdulahi oo kamida Askartan Eedaysanayaasha ah ayaa isna Lagu Soo Eedeyay Inu Si Bareer Ah Dil Ugu Gaystay Marxuum Nabadoon Xasan Goolow Muxumed , Halka Cabdifatax Axmed Aadan Isna Lagu Soo Eedeyay Gacan Siinta Falkaas Amniga Lidka Ku Ah.

Xeer Ilaaliyaha Ayaa Sidoo Kale Hogaaminta Falkaas Kusoo Eedeyay labo xidigle Aadan Dhuubow Ibraahim, Maxamed Muxumed Xaad, Cabdi Cali Carte Qalinle Kuwaasoo Ka kala Tirsanaa Ciidamada Booliska,Nabadsugidda iyo Daraawiishata Jubbaland.

Gaanshanle Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed Garsooraha Koobaad Ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Ayaa Sharaxay Danbiyada Kala Duwan Ee 13kan Askari Lagu Soo Eedeyay Isagoo Dhanka Kalana Sheegay In 6da Bisha 11aad Loo Fariisan Doono Wajiga Labaad Ee Danbiyadan Loo Haysto Askartan Ka Tirsana Qaybaha Kala Duwan Ee Ciidamada Jubbaland