Maxaa kasoo baxay shirkii ay Cadaado ku yeesheen Beelaha Saleebaan iyo Sacad?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi ka socday beesha sacad oo xalay soo gaaray Magaalada Cadaado, iyagoo ka yimid magaalada Dhuusamareeb Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, Wafdigan ayaa dhuusamareeb kula soo shiray Madaxda Galmudug, waxayna kala hadleen tabashada beesha Saleebaan ee ah in Madaxda Galmudug is hortaagtay in dastuurka Galmudug lagu qoro qodob sheegaya in Cadaado tahay fadhiga Barlamaanka Galmudug.

Wafdigan ayaa maanta shir saxaafaddu dib joog ka aheyd la galay Waxgaradka Beesha Saleebaan, waxaana sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal shirka ka qeybgalay in dood dheer kadib shirku kusoo idlaaday isfaham. Waxagaradka Beesha Sacad ayaa sheegay in hayaan Balanqaad ah in Dastuurka Galmudug lagu daro qodob qeexaya in Cadaado noqoto xarunta Barlamaanka, ayna ka codsanayaan beesha Saleebaan in ay sugaan inta laga dhameystirayo dastuurka.

Dastuurka Galmudug ayaa la filayaa in la dhameystiro dhammaadka todobaadkan, iyadoo ay suurtagal tahay haddii lagu soo dari waayo qodobka ay doonayeen beesha Cadaado, suurtagal tahay in khilaafku markale cirka isku shareero. Wafdigan beesha Sacad ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Cadaado, iyagoo aaday dhanka Magaalada Galkacyo.

Sidoo kale Beelaha Dir iyo Mareexaan ayaa la dhacsaneyn waxa ka socda Dhuusamareeb, dhanka kale Howsha mideynta Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa ku socota gaabis, waxaana loo aanaynaa dhaqaalo la’aan jirta, iyadoo dhaqaalihii laga sugayey beesha caalamka aysan wali soo gaarin Madaxda Galmudug.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com