Maxaa ka cusub Maanta Siyaasadda Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Siyaasadda Galmudug ayaa waxaa hareeyey khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Sare Galmudug, Waxaana Masuuliyiintaan hadda saldhigteen Cadaado iyo Dusmareeb, iyagoo hadalo muujinaya heerka khilaafkooda isku mariyey warbaahinta.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ayaa Doraad dib ugu laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, inkastoo uusan xilligaas warbaahinta la hadlin, hadana wuxuu shalay galab qabtay shir jaraa’id oo ay ku wehliyeen Sheekh Shaakir iyo Xareed Cali, waxaana Madaxweyne Ducaale ku dhaliilay dowladda federaalka ah inay wado faragelin ayna ku fashilantay dhexdhexaadintii.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal oo iyana shalay soo gaaray Cadaado ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn howsha ka socota Dusmareeb, iyagoo ugu baaqay Barlamaanka Galmudug in ay yimaadaan Cadaado si ay howshooda u qabsadaan.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa ku saleysan habka loo maray fulinta heshiiskii lala gaaray Ahlu sunna, waxaana Xaashi iyo Gacal fikirka la qaba Beelo badan oo u arka Waxa ka socda Caasimadda in ay tahay afduub loo geystay heshiiskii Galmudug.

Maanta ayaa jawi daganaan laga dareemayaa Cadaado iyo Dusmareeb, waxaana Magaalada Cadaado goordhow soo gaaray tiro xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug oo ka yimid Magaalada Muqdisho, waxaana safarkoodu ku wehliyey qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug.

Magaalada Cadaado oo mudooyinkan ka maqneyd saaxada Siyaasadda ayaa hadda laga dareemayaa shirar iyo loolan siyaasadeed, waxaana muuqata in Taageerayaasha Xaaf looga gacan sareyo Cadaado, Madaxweyne Xaaf ayaa shalay isku dayey inuu joojiyo  diyaaradii Siday Cali Gacal iyo Maxamed Xaashi, inkastoo uu amarkiisu shaqeyn waayey, kadib markii shirkadda diyaaradda ay dowladda federaalka amar dul dhigtay.

Madaxweyne Ducaale ayaa markasta Reer Cadaado ugu laab qaboojiya in Barlamaanka Galmudug ku shaqeynayo Cadaado, taas oo ay u arkaan Qowda Maqashii waxna ha u qaban.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

isha Wararka Xaqiiqda ah.