Madaxweyne Xaaf : “Dowladdeena ma jecla Federaaleynta”

Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay shirkii Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in dowladda aysan jecleyn Federaaleynta, isagoo ku taliyay in tartiib tartiib loo baro.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in haddii ay ku adkeeyaan dhaqan gelinta Federaaleynta ay ka baqayaan inay dhibaato timaado, si la mid ah dagaalkii maamulkiisa lagu qaaday sida uu yiri.

“Dowladeena ma jecla Federaaleynta, aad bey u neceb tahay, haddii aan ku sii adkeynana waxaa ka baqayaa inay dhibaato timaado, midkii aan soo maray oo kale, waa in aan tartiib tartiib u barano, ayagana u barno waaye”ayuu yiri Xaaf.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dowladda Federaalka lagula xisaabto arrimaha taagan, isla markaana waxyaabaha qaarna aad looga feejignaado.

Madaxda maamul goboleedka oo ku mideysan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shir ku leh magaalada Baydhabo, iyadoo shirka looga hadlayo arrimo badan oo ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamulada dalka oo aan xiriirkooda wanaagsaneyn.