Madaxweyne Shariif Xasan oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland. Waxaana halkaas wafdiga Koofur Galbeed ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmaya Magaalada Kismaayo iyadoo ay noqonayso markii labaad ee Madaxdu ay ku kulmaan Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkan uu wax badan kusoo kordhin doono geedi socodka hanaanka Siyaasada Amniga iyo Hormarka Soomaaliya iyo qaabkii horay loogu sii socon lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la filayaa inuu la wareego hoggaanka Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada.