Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Abwaan caan ahaa

Wararka Maanta

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyoodey waddanka Hindiya.

“Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya, Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo” ayuu yiray Madaxweyne Farmaajo.

Abwaan Baarleex ayaa waxa uu kamid ahaa abwaanadii ugu caansanaa geyiga Soomaalida, waxa uuna gabayo badan ka tiriyay marxaladaha kala duwan ee dalka uu soo maray.