Madaxweynaha Galmudug oo u hambalyeyey Prof. Jawaari

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo Nuqul ka mid ah soo gaaray shabakadda Ceelhuur Online ayaa Madaxweyaha Galmudug Hambalyo ugu diray Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ku guuleystay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay halkaan uga diraysaa hambalyo iyo bogaadin Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maantay ku guuleystay inuu mar labaad noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa guul usoo hoyatey shacabka Soomaaliyeed, isla markaana waxay tilmaan guuleed u tahay dhameystirka hanaanka dowladeed ee cusub oo hadda Soomaaliya ku socoto.
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Golaha Baarlamaanka cusub iyo Gudoonkiisa kumeel gaarkaa oo si hufnaan iyo Soomaalinimo ku jirto u daa dihinaya dhameystirka haykalka Dowladnimo ee Soomaaliya.
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay u reyjeysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed in ay doorashooyinku ku dhamaadaan nabad iyo guul iyo madax u horseeda Dalka horumar iyo barwaaqo.
Dhammaad