Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar oo is casilay

Wararka Maanta

Madaxweynihii Dowlad degaanka Soomaalida ee ay  Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar ayaa is casilay, wuxuuna si KMG ah ugu wareejiyay wasiirkiisa Maaliyadda ee degaanka Axmed Cabdi. Warkaan oo galabta soo baxay ayaa caawa waxaa xaqiijiyey khadar Cabdi ismaaciil gudoomiyaha xibsiga Soomaalida.

Sida ay baahisay idaacadda afka dowladda ku hadasho ee Fana, wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi, ayaa ku warantay in gelidda ciidamada ee magaalada ay ku timid codsi uga yimid maamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxay Fana sheegtay in ay ciidamadu si dhaqso leh u billaabi doonaan howl gallo. Ma jiro war ka soo baxay maamulka Soomaalida oo ku saabsan ciidamadan cusub ee soo galay Jigjiga.

Arrimahani waxay imanayaan xilli Sabtidii ay magaalada ka dhaceen qalalaase, kadib markii ciidamada federaaalka Itoobiya ay gudaha u galeen.

Qalalaasaaasi, ayay maamulka Soomaalida ee Itoobiya waxay sheegeen inay ku dhinteen dad 29 qof, sida uu sheegey Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarrunta xisbiga ka taliya ismaamulka Soomaalida.