M/ ku xigeenka Puntland iyo R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo sheegay in la dulmay beelaha daga waqooyiga Soomaaliya (Cadeyn)

Wararka Maanta

siyaasiyiin
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in lagu dulmay saami qeybsiga aqalka sare, iyagoo sheegay in ay aheyd in ugu yaraan goboladaas la siiyo 33% xubnaha aqalka sare, maadaama Soomaaliya ka kooban tahay laba gobol oo midoobay waqooyiga Soomaaliya iyo koofurta Soomaaliya.

Siyaasiyiinta kulankan ka qeyb galay ayaa ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir, Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Dekedaha Nuur Faarax, Wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli oo dhamaan ka soo jeeda gobolada Waqooyiga Soomaaliya.
aqalkasare1 aqalkasare2