Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Napoli Piotr Zielinski ayaa weli ah bartilmaameedka xagaaga ee suuqa kala iibsiga kooxda Liverpool, sida lagu sheegay warbixin.
23 jirkaan ayaa lala xiriiriyay Reds xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay, iyagoo isha ku haayay Jurgen Klopp intii lagu jiray xilli ciyaareedkii amaahda uu kula joogay kooxda Empoli oo ka yimid Udinese.
Zielinski ayaa kaliya ku soo biiray qaab ciyaareedkiisii Napoli ee xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay sideed gool iyo labo caawiye oo uu ka caawiyay horyaalka Talyaaniga.
Tuttomercatoweb ayaa soo jeediyay in, inkastoo ay hore u qaboojiyeen xiisahooda, Liverpool ayaa wali indhaha ku heysa xiddiga reer Poland, waxaana laga yaabaa inay dalab rasmi ah u diraan xagaagan.
Ciyaaryahankii hore ee Udinese ayaa shaaca ka qaaday in 2016 uu diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda ka dhisan Merseyside.