Jubaland oo ciidamo dheeraad ah geysay qaybo kamid ah gobolka gedo

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu weli ka socdo deegaano ka tirsan gobolka dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyadoo Maamulka Jubbaland uu labadii maalmood ee la soo dhaafay uu geeyay ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka.

Sida wararku sheegayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ka yimid dhanka degmada Ceelwaaq ayaa gaaray duleedka Beledxaawo oo ahaa goobihii fariisinka u ahaa Ciidamadii horay uga soo baxay Beledxaawo iyo Doolow ee ka tirsanaa Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan uu hoggaaminayay Col. Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jubbaland ee horay uga qeyb qaatay dagaaladii Gobolka Gedo qeybo ka mid ah looga saaray Al-Shabaab.

Col. Cabaas oo shalay boqolaal ka tirsan ciidamada daraawiishta kula hadlayay Beledxaawo ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dhufeys isugu jiraan ciidankii Jubbaland iyo ciidanka Federaalka oo ahaa kuwii Al-Shabaab la dagaali lahaa, lagana dhigay inay cadaw isku yihiin.

Waxaa uu sheegay in taasi ay keentay siyaasad xumada, isla markaana uu rajeynayo in dhowaan laga bixi doono.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo fara badan geysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo, kuwaasoo la wareegay ammaanka deegaanadaas.