Hobabaro Libaax bay soo wadaa….. W.Q: Maxamed Dhagacade

Wararka Maanta

hombobaro

Hobabaro Libaax bay soo wadaa

Hobabaro waa xayawaan badeed oo inta badan dadka kaluumasata ahi goobta ay ku arkaan u gartaan in libaax badeed ka dhow yahay kaas oo qatar galin kara nafta kaluumaysatada, hadaba aan guda galo qormadeydan kooban waxaan dhawaan ku soo gabangaboobay dalka imaaraatka carabta shir qarsoodi ah oo ay ka qeyb galeen Madaxda dowladda imaaraatka, madax ka socotay kenya iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana tan iyo markii ay soo baxday in Madaxda maamul goboleedyada gaareen halkaasi waxaa kasoo baxayey warar kala duwan.

kulamadan oo socday afartii maalin ee lasoo dhaafay ayaa soo gabangaboobay, waxaan dowladda imaaraatku miiska soo saartay magacyada musharixiin ay wataan, waxa ayna u balan qaadeen madaxda maamul goboleedyada in ay dhaqaale siinayaan hadii ay la fuliyaan qorshaan, ma cadda si ay u fulin doonaan madaxda maamulada, balse waxaa suurtagal ah in ay u xishaan dhaqaalaha imaaraatka.

Imaaraatka carabta iyo kenya ayaa wata labada musharax Cumar C/rashiid  cali sharmaake iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame si  ay u dhameystiraan mashruucii iibka badda Soomaaliya, taas badelkeeda in laga hortago inuusan soo noqon Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhaga adeygay inuu joojiyo dacwadda Badda, Waxaana shirkadda qodeysa shidaalka badda ee ENI oo ay imaaraatku leeyihiin 40%. Qoraal kooban oo aan ka soo xiganay websiteka shirkadda ENI ayaa u qornaa sidan

 

On 2 July 2012, Eni announced the signing of three production sharing contracts, awarded by the government of Kenya, for the acquisition of exploration blocks L-23, L-21 and L-24, located in deep and ultradeep waters of the Lamu Basin, off the coast of Kenya, marking the company’s entry in the sub-Saharan country. The initial exploration phase of the three blocks, which will be operated 100% by Eni and extend over an area of more than 35,000 square kilometres, will involve a geophysical exploration programme. These operation in Kenya strengthen Eni’s presence in the exploration of East African frontier basins, which led to the recent discovery of large volumes of natural gas in the deep waters of Mozambique.

Qoraalkan ayaa muujinaya in shirkadda ENI in ay heshiis kula gashay dowladda Kenya shidaal looga baarayo xeebta Lamu Block L-23, L-21 and L-24.

Maxay imaaraatku ku diidan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud?

  1. Imaaraatka oo doonaya in Turkiga Soomaaliya laga saaro, halka Xasan sheekh doonayo in labada dowladood saaxiib la ahaado.
  2. Xasan Sheekh oo ka dhaga adeygay  in uu joojiyo dacwada badda, iyadoo Imaaraatku uusan arinkaas ku qanacsaneyn.
  3. Xasan Sheekh oo ka horyimid heshiiskii Shirkada imaaraatku leeyahay ee DP World ay kula wareegeyso dekada Berbera, taas oo dowladda Xasan sheekh u aragto arin xad gudub ku ah madax banaanida Soomaaliya.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in imaaraatku siiyey madaxda maamul goboleedyada lacag dhan 12 malyan si ay u fuliyaan danahiisa iyo in laga hortago inuu soo laabto Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kaloo jira balan qaadyo kale oo hadii ay ku guuleystaan tan hore la siinayo madaxda maamul goboleedyada.

Dhanka kale Xasan sheekh Maxamuud ayaa si dhow ula socday waxa ka socda Imaaraatka oo wakiil ka ah Maraykanka, waxaan arinta saameyn ku yeelatay doorashada aqalka hoose ee barlamaanka oo dib u dhac ku yimid.

Gabangabadii waxaan sugnaaba waa in maalmaha soo socda ay cirka isku shareerto siyaasada Soomaaliya, waxaan arinta xumeyn kartaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Ceelhuur Online

Email: ceelhuuronline@gmail.com

Tel: +252615803765

www.ceelhuur.com

https://twitter.com/ceelhuuronline

https://www.facebook.com/ceelhuur.net

 

Comments are closed.