Galmudug: Shuruudaha laga doonaayo Musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug, ayaa soo bandhigay Shuruudaha laga doonaayo ruuxa ka u tartamaya Aqalka Sare ee Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug Yuusuf Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, ayaa sheegay gabi ahaanba qof xil Siyaasadeed haaya inuusan u tartami karin Aqalka Sare ee Galmudug.

Waxa uu sheegay qofka doonaya inuu u tartamo xilkaan in laga doonaayo inuusan wax xil ah ka haynin Somaliya.

  1. Qof kasta oo haaya Xil Siyaasadeed ee doonaya Aqalka Sare, sida Xubin Baarlamaan, Wasiir heer Gobol ama Taliye ciidan waa inuu iska casilaa xilka uu haayo.
  2. Inuu haysto Shahaado Dugsiga Sare ama wax u dhigma.
  3. Inuu bixiyo lacag dhan $10,000 oo Doollarka Mareykanka ah taas oo laga rabo xubin kasta oo u tartameysa aqalka sare.
  4. In Madaxweynaha Galmudug uu u soo gudbiyo Guddiga Doorashada ruuxa doonayaa inuu u tartamo Aqalka Sare ee dalka ugu dambeyn 5-ta Bisha.

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu sheegay ugu dambeyn Maalinta Arbacada in laga doonaayo dadka u tartamaya xilkaan inay u gudbiyaan Warqadahooda Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

3 thoughts on “Galmudug: Shuruudaha laga doonaayo Musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare

Comments are closed.