Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya deegaanka Toora-Toorow Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay ay duqeeyeen fariisimo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaas.

Sida ay sheegayaan warbaahinta maxaliga ah diyaaradahan ayaa la ogeyn dalka laga lahaa, waxaa kaloo la ogeyn khasaaraha ay geysatay duqeynta.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen jugta madaafiic ka dhacday agagaarka Toora-Toorow, balse aanay si dhab ah u ogeyn.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacday deegaanka Toora-Toorow.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa howl gallo iyo duqeymo si wada jir u fuliyeen Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Tagged

Comments are closed.